Weftiga Madaxweynaha PL oo ku Guulaystey Heshiisyo Kobcinta Dhaqaalaha iyo Horumarinta Magaalooyinka Puntland.

June 5, 2019 - Written by Editor

Tongxiang:- Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo kala ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Maxamed Cabdi ayaa ku guulaystey intii ay joogeen dalka Shiinaha heshiisyo kobcinta dhaqaalaha ah iyo horumarinta magaalooyinka Puntland.

Sidoo kale Wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka kaasi waxaa u hirgalay kulamo iyo booqashooyin Xarumo Dowladeed, Wershedo wax soo saar, Goobo caafimaad iyo Rugta Ganacsiga.

Dhinaca kale waxay weftigu wada-hadalo miradhal ah la yeesheen madaxda wadanka Shiinaha iyo Shirkado Ganacsi oo caalami ah. Wada-hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo lagu dar-dargelinayo mashaariicdii horey u socotay, sida dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo, wadada Eyl iyo Garoowe isku xirta, dhamaystirka wejiga labaad garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo in maalgashi loo helo kheyraadka dalka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada,sida Biyaha, Korontada, Kalluumaysiga iyo hirgelinta duulimaadyo Caalami ah.

Waxay Weftigu la saxiixdeen Madaxda caasimadda Tongxiang ee gobolka Jiaxing Zheijiang laba Heshiis oo kala ah:

1. Mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo
Gaalkacayo, kuwaas oo yeelanaya Iskaashi iyo
qorsheyaal horumarinta magaalooyinka ah.

2. In aag u gaar ah dhaqaalaha laga hirgeliyo Puntland “
Horn of Africa Special Economic Zone”, barnaamijkan
maalgelintiisa iyo fulintiisa waxaa yeelandoonta
Hay’adda caalamiga ah ee Tongxiang Economic
Development zone.

Heshiisyada dhaxalgal ka ah waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

Heshiisyadani muhiim ka ah waxay qayb ka yihiin balanqaadyadii Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa kobcinta Dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, maalgashi iyo suuq u helidda Kheyraadka iyo wax soo saarka dalka.



-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online