Wasaaradda Waxbarshada DFS oo Joojisay Sannad dugsiyeedka 2019/2020

April 8, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasaaradda Waxbarshada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeysaa in la joojiyay dhamaan qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo ka yar afar isbuuc.

Ayadoo la tixgelinayo xaaladda caafimaad ee dalka iyo dunidaba ka taagan ee la xiriira cudur saf-marka ah ee Covid_19, lana qiimeynaayo xaaladda waxbarasho ee dalka iyo daruufaha ardayda kala duwan ay ku helaan adeegyada waxbarasho, isla markaana lala tashanaayo bahda waxbarashada oo ay ku jiraan Dalladaha, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulayaasha dugsiyada ayaa;

1) Wasaaraddu waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeysaa in la joojiyay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo ka yar afar isbuuc;

2) Ardayda sannad dugsiyeedka dhamaaday waxaa lagu qiimeyn doonaa heerkii ay daruusta ka marayeen xilligii lagu dhawaaqay xeritaanka dugsiyada oo ku beegneyd 19ka bisha Maarso, 2020;

3) Wasaaradda waxay la socod siineysaa ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta Soomaaliyeed in la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga Sare ee sannad dugsiyeedka 2019/2020. Waqtiga la qaadi doono, sida loo qaadayo iyo xogta la xiriirta diyaar garowga imtixaankaba dib ayaan ula soo wadaagi doonnaa bulshada.

### Dhamaad ###

Leave a comment

*

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online