Madaxweynaha JFS Xassan Sh Maxamuud oo la kulmay dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya

December 12, 2022 - Written by Editor

Riyad:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis.

Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Sidoo kale, kulanka Labada Hoggaamiye ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
December 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online