Gudoomiyaha Golaha Wakiilada DPL oo faray guddiga amniga Gobolka Bari in la xaqiijiyo Nabad gelyada Boosaaso

May 9, 2023 - Written by Editor

Boosaaso:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo shalay soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta kulan laqaatay Guddiga Amniga Gobolka Bari, iyadoo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu warbixin ku saabsan xaalada nabadgelyo ee Boosaaso uu ka dha dhageystay Guddigan, iyagoo sheegay in xaaladu tahay mid wanaagsan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ciidamada amniga looga baahan yahay da’daal dheeri ah maalmaha lagu jiro isu soo baxyada ololaha doorashada ee ay sameynayaan Xisbiyada siyaasada, islamarkaana la xaqiijiyo amniga magaalada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa kulan kale la qaatay Wasiirada & Xildhibaannada Dawladda Puntland ee ku sugan Boosaaso, isagoo ka dhageystay aragtidooda ku aadan sida laysaga kaashan karo in jawi nabdoon ay ku qabsoomaan doorashooyinka Golaha Deegaanka Magaalada.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2023
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online