Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo Shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad

July 20, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Dawladda Puntland oo ay xukuumaddu soo gudbisey.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay.

Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa.

Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa soctay maalihii la soo dhaafay.

Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Horumarinta nolosha iyo bad-qabka dadka, duurjoogta, duunyada, habka ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah, habka waara oo xaqiijiya mustaqbalka jiilka maanta, kuwa berrito Dib u hagaajinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka iyo saamaynta xun ee isbedelka cimilada.

Intaa kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Dawladda Puntland, Waxaa Oggol ugu codeeyay 43 mudane, cid diiday ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin.

Dhinaca kalena, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr ee horay loo oran jiray Gobolka Gardafuu.

Waxaa Oggol ugu codeeyay 44 mudane, diidmo 2, cid ka aamustayna ma jirin.

Ugu dambeyntiina, waxaa maanta Xildhibaanada loo qeybiyey Qabyo qoraalka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladad Puntlan

Comments are closed.

Archives
July 2023
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online