Madaxweynaha JFS kulan wadatashi ah ugu baaqay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka
July 11, 2023 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya xaqiijinta Soomaali heshiis ah ayaa barri daahfuraya kulan wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo ku saleysan wadatashi iyo is-qancin in looga gudbo xaaalada dalka uu ku jiro.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahad-celinaya madaxdii hore sida ay u soo ajiibtay ka qeyb-galka kulankan ayaa madasha kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dawladda intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.
Madaxweynaha ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.
——-DHAMMAAD—-