Madaxweynaha Puntland oo Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada
July 14, 2023 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta dhacdooyinka todobaadka, Dakhliga Dowladda , Xeerka iyo Siyaasadda Sumadaha Ganacsiga iyo qodobo kale.
Golaha ayaa ka hadlay u diyaargarowga xuska 1-da August, Sanad guurada 25-aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay Dowladda Puntland, Iyadoo loo saaray Guddi howshaasi ka shaqeeya.
—–DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.