Madaxweynaha Puntland oo Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland.

July 20, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay, Amniga, Dhacdooyinka Todobaadka, Diyaargarowga munaasabadda 1-da August iyo Ansixinta wax ka bedelka Lix Xeer oo ay soo gudbiyeen Xafiisyada khuseeya.

Golaha Wasiirada ayaa dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Lix Xeer oo kala ah :-

1-Wax-ka badelka Xeerka Goleyaasha Deegaanka.

2-Wax- ka badelka Xeerka Doorashooyinka Dowladda Puntland.

3-Wax- ka badelka Xeerka Qareenada Puntland.

4- Wax ka badelka Xeerka Nootaayadda.

5-Xeerka iyo Siyaasadda Sumadaha Ganacsiga.

6-Xeerka lagu maamulo Hay’addaha Maaliyadeed ee Bangiga Dowladda.

Xeerarka Golaha Wasiiradu maanta ansixiyeen ayaa loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

——DHAMMAAD-—-

Comments are closed.

Archives
July 2023
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online