Madaxweynaha Puntland Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

July 29, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire. Michael Nithavrianakis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Safaarada Ingiriiska iyo Dowladda Puntland, Arrimaha Dowlad dhiska Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka fuliso Puntland iyo sidii Dowladda UK uga qayb qaadan lahayd dhamaystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee Doorashooyinka, Safiirka Dowladda Ingiriiska Michael Nithavrianakis ayaa boggaadiyey horumarka ka socda Puntland gaar ahaan talaabada Puntland horay u qaaday ee Dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha waxaa kulanka kala qaybgalay, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada DPL iyo La-taliyaha Madaxweyne Arrimaha Dimuqraadiyadda.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
July 2023
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online