Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda WFP.

July 12, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta Magaalada Beledweyne ku qaabilay Kuxigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Marwo Laura Turner.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa wafdigaan kala hadlay Dhibaatooyinka fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka geysto deegaanada Hirshabeelle, xaalada barakacayaasha iyo sidii Deegaanadii laga xoreeyay kooxda Khawaarijta alshabaab loo gaarsiin lahaa gargaar iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah bulshada.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Hay’adda WFP taageerada ay siiyaan shacabka Dowladda Hirshabeelle.

-DHAMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

Comments are closed.

Archives
July 2023
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online