Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo gaaray Degmada Luuq ee gobolka Gedo

July 18, 2023 - Written by Editor

Luuq:-Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Dowlada Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay wafdigiisa kamid yihiin xubno katirsan labada gole ee Dowlada, siyaasiyiin, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaaradaha ee Degmada Luuq Waxaa kusoo dhaweeyay maamulka heer gobol iyo heer Degmo iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka isagoo dhagax dhigi doona mashaariic hormarineed oo gobolka laga fulinayo.

——–Dhamaad——

Comments are closed.

Archives
July 2023
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online