Madaxweyne ku xigeenka oo tababar u soo xiray Ciidamada ilaalada Madaxtooyada.
July 3, 2023 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Dowlada Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa tababar mudo socday usoo xiray qeyb kamid ah Ciidamada ilaalada Madaxtooyada.
Ciidamadan ayaa qaatay duruus kala duwan oo wax badan kusoo kordhin doonta shaqada ay hayaan iyadoo Madaxweyne ku xigeenku uu u mahad celiyay macalimiinta gacanta ku hayay Ciidamada tababarka dhamaystay oo ay tababareen Ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya gaar ahaan Jubaland.
—-Dhamaad—