Nadwo Cilmiyeedkii 12aad oo ka socota magaalada Gaalkacyo (Daawo Masawiro+Video)

July 19, 2023 - Written by Editor

Gaalakacyo:-Nadwo Cilmiyeedkii 12aad ee lagu qabto Magaalada Gaalkacyo oo xalay si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Masjidka Ramadaan Gaalkacyo waxaa Nadwada isku soo duba riday Musasada Al Minhaaj.

Furitaanka Nadwada waxaa kasoo qayb galay bogaadiyayna Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada iyo Culimada Gobolka.

Nadwada ayaa socon doonta 6 habeyn ayaa waxaa muxaadarooyin kala duwan oo baahi weyn loo qabo kasoo jeedin doona Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn.

Bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa si weyn ugasoo qayb galay Nadwada iyaga oo ay ka muuqato ahmiyadda ay siinayaan Culimada Nadwada ka qayb galaysa.
Muxaadaradii ugu horteysay waxaa xalay jeediyey Sh. Maxamuud Maxamed Xaliike waxaana uu Sheekha ka hadlay Geediga loo yahay daarta aakhiro.

Hoos Ka Daawo Muxaadaradii koowaad ee Nadwada 12 oo ka socota magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Masjid Ramadaan magaalada Gaalakacyo
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
July 2023
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online