Madaxweynaha JFS Xassan Sh Maxamuud oo ka tacsiyeeyey Saraakiil Imaaraadka ee ku dhintay weerarkii Xerada Jen. Goorda ee Muqdisho

February 11, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Hosbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaratka ee galabta ku dhawaacmay falka argagaxa leh ee ka dhacay Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faray Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.

“Dawladda iyo Shacabka walaalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
February 2024
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
26272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online