Ra’iisul Wasaaraha JFS oo kulamo muhiim la qaatay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka

February 17, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, oo booqday Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa kulamo uu la qaatay waxa uu la wadaagay warbixinno kala duwan oo ku saabsan arrimaha amniga iyo dib-u-xoreynta, Arrimaha Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee aan dunida la leenahay.

Waxaana uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixin gaar ah ka siiyay Guddoomiyeyaasha labada Aqal dadaalka ay Dowladdu galisay difaaca madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Qarankeenna oo ay Itoobiya si gurracan u damacday in ay ugu xad-gudubto Dalkeena, waxaana arrintaas Dowladdu ka soo hoysay guulo diblomaasiyadeed oo wax ku ool ah.

Xukuumadda #DanQaran oo barnaamijkeeda siyaasadeed ee ay horgeysay Baarlamaanka uu ka mid ahaa qabyo-tirka Dastuurka KMG ah, ayaa juhdi dheeri ah galisay sidii dastuurka looga saari lahaa ku-meel gaarnimada, si dalku u yeesho Dastuur dhammeystiran oo ay ku cad-yihiin arrimaha asaasiga u ah Qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Baarlamaanka 11aad uu ku suntan yahay in uu yahay goleyaashii ugu shaqada iyo dadaalka badnaa, iyaga oo meel-mariyay shuruucdii iyo Xeerarkii ugu badnaa, waxuuna ku bogaadiyay gudo-gelidda doodaha la xiriira dhameystirka dastuurka.

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2024
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
26272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online