Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay dagaalka ay ciidanka dowladdu kula jiraan Al-shabaab

February 15, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga hadlay hawlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ka socdo qeybo kamid ah dalka iyo horumarka ay sameyneysay sanadihii dhawaa Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Shirka oo u guddoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, kuwaas oo soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey ee dalka looga xoreynaayey Khawaariijta.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta maamulka Hawada Soomaaliya iyo horumarka la gaaray ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, taas oo soo bandhigtay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta howlaha duulimaadka dalka, iyada oo xustay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso guud ahaan maamulka iyo maaraynta hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo geeddi-socodka dib-u-eegista iyo qabyo-tirka Dasuuurka, iyada oo goluhu si mugleh ugu bogaadiyay shaqada adag ee ay soo qabteen hey’adaha dastuurka, maadaama uu haatan horyaallo Baarlamaanka oo guda galay doodaha lagu dhammeystirayo dastuurka.

DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale

Leave a comment

*

Archives
February 2024
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
26272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online