Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada B/weyne oo qarax lagu weeraray
February 1, 2012 - Written byHiiraan:-Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa maanta waxaa lagu weeraray miino kuwa dhulka la galiyo ah xili ay ka wadeen howlgalo xaafadda Xaawo-taako qaraxa ka dib ayaa ciidamada Itoobiya waxay xireen isku socodka B/weyne.
Qaraxa lagu weeraray ciidamada Itoobiya ayaa sababay khasaaro kala duwan oo soo gaaray ciidamada Itoobiya ,qaraxa ka dib ayey waxay fureen ciidamada Itoobiya rasaas badan waxaana ku dhintay ilaa 8 qof oo rayid ah oo ay jirto haween waayeel ah iyo macalin wax ka dhiga dugsiyada B/weyne.
Qaraxan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ciidamada Itoobiya lagu weeraro magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan muddo hal isbuuc gudaheed ah.
Afhayeenka Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay mas’uul ka yihiin qaraxii saakay lagula weeraray ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne isaga oo sheegay in ay khaasro gaarsiiyeen .
Cabdi Casiis Maxamed
Halgan.net