Wasiirka Amniga iyo Saraakiil ku dhaawacantay Shaqaaqo ka dhacday Boosaaso
May 5, 2016 - Written by EditorWasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa ku dhaawacmay is rasaaseyn maanta ciidamo ka tirsan Puntland ku dhex maray magaalada Boosaaso ka dib markii muran uu dhexmaray ilaalo ay kala wateen Taliyaha ciidanka Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Jen, C/risaaq Afgaduud.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa shegaya in ilaa laba sarkaal iyo 4 askari oo labada dhinac ah ay dhaawacmeen.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa dhawaciisa la geeyey isbitaalka magaalada Boosaaso waxaa kale oo Isbitaalka la geeyey laba sarkaal iyo 4 askari oo uu soo gaaray dhaawac fudud.Israsaaseynta ayaa waxay ka bilaabatay xarunta ciidanka Birmadka, halkaasoo uu ka socday kulan amniga looga hadlayey.
Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in khilaafka uu ka bilaawday ka dib markii la bilaabay tirikoobka ciidanka Birmadka ee magaalada Boosaaso kuwaas oo arinkaas ka gadooday.
Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa u tagay magaalada Boosaaso in uu kormeero howlgalada wadaan ciidanka Birmidka iyo xalinta khilaaf la sheegay in uu ka dhexeeyo Taliyaha ciidanka Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Jen, C/risaaq Afgaduud.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net