Banaanbax looga soo horjeedo sara u kaca sarifka doolarka oo ka dhacay B/weyne
May 11, 2016 - Written by EditorHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in banaanbax looga soo horjeedo sarakaca ku yimid sarifka doolarka ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Bweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Banaan-baxayaasha ayaa hakad geliyey ganacsiga magaalada B/weyne waxaana xirmay isku socodka wadooyinka waaweyn ee magaalada B/weyne waxaana ay dadweynaha aad uga cabanayeen sarifka doolarka oo kacay, iyo hoos dhac ku yimid qiimaha lacagta shilin Soomaaliga.
Sarifka doolar ayaa wuxuu ka marayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan 3,300,00 oo shilin Soomaali ah waana meesha ugu sareysay waxaana 100 doolar lagu sarifi jiray 2,200,00 0 oo shilin Soomaali ah.
Duqa magaalada Beledweyne Cumar Aadan Ibrahim ayaa waxaa uu sheegay in lacago badan oo shilin Soomaali ah ay soo galeen magaalada B/weyne taasna ay sabab u noqotay in sarifka uu saro u kaco,
Inta badan magaalooyinka Waaweyn ee Soomaaliya ayaa waxaa ka jira sicir barar baahsan waxaana suuqyada magaalada buuxdhaafshay lacago faalis ah taas oo sababtay in ganacsatada yaryar ay xiraan ganacsigooda .
A/Cawale
Halgan.net