Turkiga oo ka qaadatay safiirkeedii Bangladesh ka dib daldalaaddi Nidaami
May 15, 2016 - Written by EditorAnkara– Madaxaynaha turkiga Rajab Dajiy Orodogan ayaa sheegay khamiistii in uu waddankiisu la noqday safiirkiisii dalka Bangladesh ka dib markii dalkaasi dil toogasho ah ku fuliyay hoggaamiyihii jamaaca islaamiya ee dalkaas Mudiicu raxmaan Nidaami. Wasaaradda arrimaha dibadda ee turkiga ayaa ugu yeertay safiir Doryam Awzoturki wada tashi arrinta ka dhalatay toogashada loo gaystay Nidaami, arrintani waxay timid ka dib hal maalin markii ay soo saartay wasaaraddu inay aad u diidantahay xukunka dilka ah fulintiisa.
Xukuumadda Dhaka xukunka dilka waxay ku fulisay Mr Nadami (72 jir) maalintii talaadada ka dib markii lagu eedeeyeeyay gaysashada denbiyo dagaal iyo inuu la taageerayay ciidanka dalka Pakistan markii ay ka go’ayeen dalkaas 1971, iyadoo la ogyahay in maxkamadda sare xukuntay khamiistii in xukunka toogashada nadami uu yahay mid aan laga noqonayn oo kama danbayn ah xukunkaas oo soo baxay October 2014.
Dalka Bangladesh waxaa hareeyay Banaan baxyo ay ka qayb galeen kumanaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga (jamaaca islaamiya) xilligii lagu guda jiray aaska Nadami kaas oo ahaa wasiir iyo Barlamaani hore kaas oo lagu dilay daldalaad xabsiga dhexe ee magaalada Dhaka, waxaa halkaa ka dhacay iska horimaad u dhexeeya taageerayaasha Nadami iyo ciidanka Booliska kaas oo ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan dalkaasi, isla markaana waxay ku baaqday jamaacadu shaqa joojin maalintii khamiista ee aan soo dhaafnay.
Dhinaca kale Ururada caalamiga ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa duray talaabooyinka loo maray maxkamadanta Nidami iyo in aanay gaarsiisnayn halbeegga caalamiga ah, halka xukuumadda Dhaka ay ku gacansayrtay eedaymahaas.
Source:Aljazeera