Dagaal ka dhacay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne
May 17, 2016 - Written by EditorHiiraan:-Waxaa saaka ka qarxay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ka dib markii maleeshiyo hubaysan oo gaari wata ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Suuqa Toora -Boora ee xaafadda Howl-wadaag ayna ku dhinteen ilaa labo qof.
Dagaalka u dhexeeya labadaan maleeshiyo beeleed oo ka dhacay xaafadda Howl-wadaag ayaa waxaa ay isku adeegsadeen hubka waaweyn lamana yaqaan ilaa hadda khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay.
Wararka soo baxaya ayaa sheegay in labada maleeshiyo Beeleed ee diriray ay ka soo kala jeedaan Beelaha Gaaljecel iyo Jajeelle dagaalkooduna uu salka ku hayo aano qabiil walow odayaasha samaha ka taliya ay dhowr jeer kala dhex galeen , Nabadoonada iyo waxgaradka Beledweyne ayaa ku mashquulsan joojinta colaada.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net.
A/cawaale
Halgan.net