45 Dhallinyaro Soomaali ah oo ku Xiran magaalada Miami ee gobolka Florida (Dhageyso)
May 27, 2016 - Written by EditorMagaalada Miami ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ku xiran ku dhowaad 45 dhallinaryo Soomaali ah oo dalkan kusoo galey si tahriib ah. Dhalinyaradan ayaa loo diidey in loo aqoonsado qaxootinimo, waxaana qaarkood markii ay saxiixeen waraaqaha dib loogu celiyo wadankooda loo sheegay in lagu celinayo Soomaaliya. Dhalinyaradasi waxaa ay cabasho ka muujinayaan in safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareyknaka ay wax ka ogtahay in dib u celin lagu sameeyo.
Si kastaba, safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay inay ka warhayaan dhallinyaradan, balse aysan shaqo ku lahayn aqbaalaaddooda iyo diidmadooda taasna ay u taal dowladda Mareykanka.
Warbixintan waxa inoo diyaarisey Sahra Cabdi Axmed.
VOA Somalia
Halgan.net