Madaxweynaha Puntland Dr. Abdiweli Maxamed Ali Gaas Oo si kulul uga hadlay Xaaladda Gaalkacyo (Dhageyso)
July 3, 2016 - Written by EditorMadaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa si kulul uga hadlay xaalada gobalka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo isaga oo ka hadlay arimo badan gaar ahaan amaanka magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa waxaa kale oo khudbadiisa uga hadlay dagaalkii Galmudug iyo Puntland iyo duulaankii Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xeebaha Mudug iyo Nugaal iyo Jabkii ka raacay.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qorsheeyeen dilal haldoorka Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in amaanka magaalada Gaalkacyo aysan dowlada kaliya sugi karin amaankeed balse loo baahan yahay shacabka in ay la shaqeeyaan dowlada.
Madaxweynaha Puntland Dr. Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay magaalada meelo badan loo tiirinayo, ayna dowlada talaabo ka qaadi doonto kuwa amaan xumida ka wada magaalada Gaalkacyo.
Hoos Ka Dhageyso Khudbadii uu Madaxweynaha Puntland uu u jeediyey waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
A/Cawale
Halgan.net