Al-shabaab oo ku goodiyey in ay sii wadayaan weerarada ay la beegsanayaan xarumaha DFKM
February 9, 2012 - Written byMuqdisho:-Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay inay sii wadayso dagaalka iyo qaraxyada ay la beegsanayaa xarumaha DFKM iyo ciidanka AMISOM ka dib weerar is qarxin ah oo shalay lagu weeraray Baar Fatxi oo ku yaal Hotel Muna ee magaalada Muqdisho, Hotel Muna ayaa ku yaal xaafada Xamar weyne waxaan deganaa Xilibaano ka tirsan DFKM. Hotel Muna ayaa xiliga shalay qaraxu ka dhacay waxaa dadka la qarxiyey ay ku shaahaynayeen Baar Fatxi oo ku dhexyaal Hotelka waxaa ku dhintay in ka badan 15 halka in ka badan 30 qofna ay ku dhaawacmeen , weerarka ayaa waxaa khasaaro ka soo gaaray dad iyagu fadhiya Baar Fatxi halka xilibaanada dhaawacmay weerarku ay gaarayaan labo 2 xilibaan.
Afhayeenka u hadlay ururka Al-shabaab, Sh.C/casiis Abuu-Muscab ayaa ku goodiyey in ay weerarada ay ku hayaan xarumaha DFKM ay socon doonaa, Afhayeenka urruka Al-shabaab Abu Muscab ayaa xusay in weerarkii xalay lala beegsaday Xilibaanada DFKM iyo ciidamo sirdoon khasaaro xooghgan ay gaarsiiyeen.
Weerarkan lala beegsdaya Hotel Muna aya waxaa uu noqonayaa weerarkii labaad ee ciidanka Al-shabaab ay ku beegsadaan Hotelka ,bishii Agoosta ee sanadkii la soo dhaafay ayaa weerar ay al-shabaab ku qaadeen Hotel Muna waxaa ay ku dileen xilibaan ka tirsan DFKM.
A/cawaale
Halgan.net