Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo oo ka qarxay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
February 11, 2012 - Written byHiiraan:-Waxaa saaka dagaal uu ku dhexmaray Xaafadda Howl-wadaag ee galbeedka magaalada Baladweyne 2 maleeshiyaad beelood oo wada dega magaalada Beled-weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, dagaalka saaka ayaan ilaa hadda la aqoon sababaha dhaliyey iyo wax uu ku bilowday. Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa ahaa kuwo inta badan xurguf ay u dhexeyso taas oo salka ku haysa cidda gacanta ku haynaysa xukunka iyo maamulka magaalada ilaa intii magaalada ciidanka Itoobiya iyo kuwa soomaali ah ay ka qabsadeen ciidanka ururka Al-shabaab oo in mudo ah ka talinayey magaalada.
Masuul u hadlay ciidanka Dooxada Shabelle oo la xiriirsay saxaafada ayaa sheegay in dagaalka saaka ka dhacay magaalada beledweyne uusan ahayn dagaal u dhecxeeya 2 beelood oo wada dega magaalada balse uu u dhexeeyo ciidanka Dooxada Shabeelle iyo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab oo dagaal ku soo qaaday farisamo ay ciidankoodu ku sugnaayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dagaalka oo khasaaro nafeed iyo mid hanti geystay ayaan dib idinkaga soo tabin doonaa wixii faahfaahin e ka soo baxda saacadaha soo socda insha Allaahu.
A/Cawaale
Halgan.net