Shir lagu sheegay wadatashi Qaran oo Madaxda Soomaalida uga furmay Muqdisho.[Cod/Masawiro]
August 3, 2016 - Written by EditorMuqdisho:- Waxaa ka furmay magaalada Muqdisho shirka wada tashi ah oo looga arrinsanayo qaabka ay doorashada 2016 ay u dhici karto, waxaana ku sugan magaalada Muqdisho dhamaan madaxada maamul gobaleedyada dalka. Shirka wadatashiga madaxada Soomaaliya ayaa waxaa furay madax weynaha DFS Xasan Sh Maxamuud waxaan shirkaan oo lagu sheegay mid wada tashi hagaya safiiro shisheeyey oo ku sugan Muqdisho maadaama madaxda Soomalidu aysan wax kalsooni ah ka dhex jirin.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda ay labada cisho ee soo socota kulamo yeelan doonaan si ay u ansixiyaan iskuguna raacaan go’aan ay horay ugu yeereen beesha caalamka balse ay shacabka Soomaalida ay u tusayaan in ay si wada jir ah u wada gaareen.
no images were found
Beesha Caalamka ayaa dadka shacabka ah waxaa ay u bixiyeen beesha 5aad oo iyagu garwadeen ka ah shirarka ka socda Muqdisho iyo Soomaaliyaba oo ay ku baxayaan lacag fara badan ayaa waxaa ay doonayaan in shirarka noocan ah oo kale ah ay fara bataan si xubnaha beesha caalamka ee ku suga gudaha Soomaaliya ay shaqooyin dheeraad ah ugu helaan magac Soomaalida oo u muuqda dal madaxdoodu ay baylihiyeen jiritaankii dalka iy wada jirkii umada Soomaaliyeed.
Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo la haday Warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay qodobada rasmiga ah ee shirka looga hadlayo iyo mudadad uu soconayo waxaan kale oo uu sheegay in beesha caalamka ay qayb ka tahay shirka.
Hoos ka Dhagayso Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad
[audio: https://halgan.net/Mp3/Wasiirmahad.mp3]A/Cawale
Halgan.net