Sh.Mukhtaar Axmed Faarax oo uga digay shacabka Garoowe Bandhig heeseed baaqna u diray Bulshada.[ Video]
August 7, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Culimo’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe ayaa weli waxaa ay wadaan in bulshada ku dhaqan Garoowe iyo guud ahaan Puntland ay uga digaan Bandhig heeseed la doonayo in lagu dhaawac akhlaaqda diinta suuban ee islaamka oo si cad u xaaraantimaysay heesaha.
Bandhigaan dhaqan xumada ah ayaa waxaa wada koox fanaaniin Qurbo joog ah oo dibada laga keenay kuwaas oo lagu casumay xafladii dowladda Puntland ay u qabtay 18 guuradii ka soo wareegtay markii la yagleelay Puntland waxaan howshaas wada qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa ee Puntland.
Sh.Mukhtaar Axmed Faarax ayaa mar kale ugu baaqay bulshada reer Garoowe , in ay si deg deg ah u joojiyaan bandhig faneedkaas xaaraanta ah oo diinta wax u dhimaya oo lagu luminayo dhalinyarada bulshada u ah umada.
Hoos ka daawo Sh.Mukhtaar Axmed Faarax oo fariin u diray Madaxda Dowlada iyo Shacbiga Puntland
M_M_Deeq
Halgan.net