Machadka Al-Furqaan Ee Laascaanood oo tooban sano jirsaday (Masawiro)
August 17, 2016 - Written by EditorMaamulaha Machadka Al-Furqaan Gobolka Sool Sheekh Yuusuf Haybe ayaa maanta ku dhawaaqay Qalin jabiye yaasha sanadkan ka baxaday Macahadka Al-furqaan Laascaanood.
Waxaana sanadkan ka qalin jabiyey arday gaadhaysa 278 arday tirada wiilasha ayaa ah 178 halka gabdhuhu ay yihiin 100 hablood 40 kamida raga waxa ay dhigtaan habeenkii waana dhalinyarada maalinkii shaqaysa iyo guud ahaan dadka aan jaanis helin kuwaas oo noqonaya dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Machadka Al Furqaan.
Machadka ayaa waxa uu marayaa maraxalad aad u wanaagsan waxaana guud ahaan Gobolka sool siwayn looga dareemaa meel kasta oo latago dhalinyaradii ka baxaday waxaana dhalintaas ay kaalin fiican ka qaateen horumarinta barashada diinta.
Waxaana uu maanta jirsaday machadku tobansano waxaana halkaas laga sheegay doorka fiican ee uu qaatay horumarka uu guud ahaan ku soo biiriyey dhulka Soomaaliyeed.
Waxaa maanta indhahaygu qabteen odoyaal qaadanaya shahaadooyin lagudoon siiyey waxana arinkaas aad ugu riyaaqay dadkii ka soo qayb galay.iyo dhainyaro xoogsato ah waxaa kujira kuwo dhigta dugsiyada sare.
no images were found
Machadkan ayaa waxa uu leeyahay labaataneeyo macaahid ah oo hoosyimaada kuwaas oo u soo gudba ardayda dhamaysa waxaana Guud ahaan kajira Gobolada Sool sanaag iyo Cayn tartan ay muujinayaan dadka deegaanadaas si ay u helaan dad dhisan oo aqoon u leh shareecada Islaamka.
C/Kariim Olol.
Halgan.net