Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo oo ka dhoofay Hargeysa
February 18, 2012 - Written byHargeysa:-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u boqoolay magaalada London, si uu uga qeyb galo shirka lagu gorfeyn doono arimaha Soomaaliya kaas oo ka dhici doona bishan gudaheeda dalka Britain .Madaxweynaha S/land Axmed Siilaanyo ayaa la hadlay saxaafada S/land inta uusan ka dhoofin magaalada Hargeysa waxaana uu sheegay in London uu u tagayo danaha S/land.Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ka mid yahay masuuliinta lagu casumay shirka London ka dhacay 23 Feberaayo 2012 ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya kaas oo ay marti galineyso dowladda Britain waxaana shirkaas ka soo qeyb gali doona in ka badan 50 dowladood.
Siyaasiyiinta S/land ayaa ku kala aragti duwan in S/land ay ka qeybgasho Shirka ka dhacaya London iyaga oo siyaasiyiinta S/land qaarkood u arkaan ka qeybgalka Shirka London mid muujinaya in laga noqday gooni isku taaga S/land waxaan shirkaas ka hor yimid Xisbiga uu madaxda ka yahay Madaxweynihii hore ee S/land Daahir Riyaale Kaahin.
C/fitaax Maxamed Cali
Hargeysa
Halgan.net