Sh Maxamed Sh Osman,Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh Shible oo gaaray dalka Masar
February 27, 2012 - Written byQaahira:-Wararka naga soo gaaraya magaaladda Qaahira ee caasimada dalkaa Masar waxay shabakadda Halgan.net u xaqiijiyeen inay Asxaabal-fadiilah: Sh. Maxamed Sh. Cismaan, Sh. Maxamed Abdi Umal iyo Sh. Maxamuud Shible ay safar dacwo ku soo gaadheen dalka Masar. Culimadu waxay muddo qiyaastii labo todobaad ah joogi doonaa Masar.
Culimadu waxay xilligan ku sugan yihiin magaalada Elexkandaria oo ah Caasimada labaad ee dalka Masar. Wadanka Masar waxaa ku nool soomaali tiradeeda lagu qiyaaso ilaa iyo 9000, oo qof Waxayna isugu jiraa. Arday waxka baro wadanka (waxbarashada heerarkeeda kala duwan) Qoysas ka guuray wadamada reer galbeedka iyo qoysas ka soo baro kacay Dagaalada sokeeye ee ka socda dalka Soomaaliya.
Dadkaasi intooda badan waxay ku nool yihiin Qaahira iyo gobalka 6. oktoobar. Culimadu waxay kulamo dacwo la yeelan doonaan insha Allaahu bulshda soomaaliyeed ee ku kala nool labadaas gobal.
Wixii faah-faahin ah oo intaas dheer waxad kala xidhiidhi kartaa madaxa guddiga qaban qaabada kulamadaas: C/llaahi Sh. Xanbali Xaaji C/Suldaan tel: 00201002643594 e-mail: xambali@hotmail.com
Halgan.net
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
3 Comments so far
Leave a comment
soo dhawaada culimadeena sharafta leh
Maansha allah
Scw halgan. Waxad haysaan hawl muhiim ah waxan idinka rajaynaynaa inaad soo gudbin doontaa waxii muxaadaraad ah ee culimada kasoo jeediso masar iyo warar dalka intaba baryahay waad yarayseen wararkii dalka
scww
Masha allah waa arin aad u wanaagsan ….Halgan.net aad ayaa u mahadsan tihiin ..waxaan Idinka rajeyneena Muxaadiraadka ay qabtaan In aad i noo soo gudbin doontaan Insha allah ..Culumadane Ajar iyo xasanaad aan la soo koobi karin allaah ka siiyo Dacwada ay u hayaan dhamaan Muslimiinta khaasatan Somaalida ..