Banaanbax Looga Soo Horjeedo Xirnaanshaha Dekeda Bosaaso oo ka dhacay Boosaaso.
November 1, 2017 - Written by EditorMagaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacay Mudaaharaad ay ka qayb-qaateen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso.
Dadka mudaahraadayey oo u badnaa xaamalatada Dekada magaalada Bosasao iyo ganacsatada bagaashka keena magaalada Bosaaso ayaa dhagaxaan ku xiray wadooyinka waaweyne ee soo gala Dekada waxayana aad uga cabanayaan Dekkeda magaalada oo xiran saaka waxaa kale oo ay ka cabanayeen Shirkadda DP World oo lagu wareejiyey Dekkeda magaalada Boosaaso.
Ciidamada Amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa xabad ku kala eryey dadkii sameynayey Banaanbaxa waxaana la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen 3 qof kuwaas oo la dhigay Isbitaalada magaalada Boosaaso.
Wararka ugu danbeeyey ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay rasaas ay rideen ciidanka amaanka .
Xaalada magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa ah caawa mid degan ,Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa wada qorshe ay kula wareegeyso Dekkadaha Soomaaliya.
M_M Deeq
Halgan.net