Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa Safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ethiopia.

November 20, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusii sagootiyey Madaxweyne ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, qaar kamidda saraakiisha ciidamada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay muhiimadda safarkisa ayaa sheegay inuu dalka Ethiopia gaar ahaan caasimadda dalkassi u aadidoono arrimo la xidhiidha Ganacsiga, Amaanka iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in safarkiisu qaadan doono muddo shan cisho ah.

“waxaan saaka u safraynaa aniga iyo weftigayguba magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia oo aan ku tegi doono socdaal muddo shan cisho ah oo ah safar shaqo, kaas oo aanu rabno inaanu dawladda Ethiopia kala soo xaajoono hawlo badan oo la xidhiidha dhanka Amniga, Ganacsiga iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in isaga iyo weftigiisuba kulamo la qaadan doonaan madaxda dalkaasi ugu saraysa, isla markaana ay kala xaajoon doonaan arrimaha kor-kuxusan, waxaana uu Madaxweynuhu Alle ‘SWC’ ka rajeeyey inuu safarkoodu kuso dhammaado Guul.

no images were found

“Waxaan is arki doonaa Madaxda ugu saraysa dalkaasi ‘INSHA ALLA’, waxaanna rajaynayaa inuu guul kusoo dhammaado safar-kayagu” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online