Ciidanka Amniga Puntland (PSF) & PMPF oo soo gabagabeeyey howl gal ay ka wadeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari.[Masawiro]
November 23, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo ay weheliyaan ciidamada Badda Puntland (PMPF) iyo ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa soo geba-gebeeyey hawlgallo dagaal oo ka dhan ah ururka argagixisada Daacish oo ay afartii maalmood ee la soo dhaafay ka wadeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga deegaanada Canjeel, Dhaadaar, Dhasaan, Buq, Toox iyo Bohol ee u dhexeeya Balidhidin iyo Qandala.
Hawlgalkan ay ciidamada Puntland ka fuliyeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari ayaa bartilmaameedkiisu ahaa sidii ay Daacish uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga dhuumaalay staan Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari.
Intii hawlgalkani socday ciidamada Puntland waxay Daacish ka saareen goobo ay kaga dhuumaalaystaan Buuraha Cal Miskaat oo hoostaga degmada Qandala ee gobolka , isla mar ahaantaana waxay ciidamadu ka gubeen cadowga Daacish godad raashin ugu kaydsanaa, waxayna burburiyeen saldhigyo ay ku dhuumaalaystaan ururka argagixisada Daacish oo ku yaal aaggaas, waxaana laga qabtay qalab ay ku samayn jireen waxyaalaha qarxa.
no images were found
Sarkaal u hadlay ciidamada howl galka ka fuliyey Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari ayaa yiri ”Argagixisadu isma qarin karayaan, ciidamada Puntland na way sii wadi doonaan hawlgallada ay dhulka Puntland kaga xoraynayaan cadowga ku soo duulay , waxaana ka go’an ciidamada difaaca Puntland in ay argagixisada u diidaan in aysa helin goobo ay ku badbaadaan” .
M_M_Deeq
Halgan.net