Liiska magacyada Ragga Burcad-badeednimada oo ku xiran dalalka Kenya iyo Maldives
April 9, 2012 - Written byBoosaaso:-Dhallinyaradan Sagaalka (9) ah ayaa bishii March 3, 2009, waxaa soo qabtay Markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Jarmalka, waxaan laga soo qabtay Gacanka Cadmeed. Bishii March 10, 2009, waxaa la keenay Mombassa, Kenya, waxaana lagu wareejiyey dawladda Kenya. Isla bishii March 11, waxaa la keenay maxkamad, dib baana loo celiyey, markii la dhageystey.
Bishii November 9, 2010, ayaa maxkamad la saaray, qaadigii dacwadda qaadayey oo la dhahayey Mohamed Ibrahim, ayaa ku riday xukun ah in dalkoodii loo masaafuriyo, maadaama laga soo qabtay meel ka baxsan biyaha Kenya, wax markhaanti ahna oo caddeynaya inay fal burcadnimo ku jireen aan la soo bandhigin. Xukunkaas, waxaan racfaan ka qaatey “ xeer Ilaaliyihii Dawladda”..
Bishii October 4, 2011, ayaa maxkamad la soo taagey maxkamad, waxaana loo qoondeeyey in SHAN QAADDI ay dacwaddaas dhageystaan oo mar walba ay goob joog ahaadaan
Saddex goor oo dambe oo kala ah, October 17, 2011, December 15, 2011 iyo February 29, 2011, ayaa la soo taagey maxkamad, nasiib darrose mar kasta dib baa loo celinayey, iyadoo sabab looga dhigayey mar walba in qaadiyaashii Shanta ahaa aanay dhammayn, oo mar walba mid ama labo maqanyihiin.
Waxaa hadda loo qorsheeyey in Maxkamad la soo taago, bishan May 3, 2012.
Dawladdu FKMG ahi, waxay xaq u leedahay in la soo ogeysiiyo marka dacwaddaas la qaadayo, si ay goob joog u ahaato marka xukunku dhacayo.
Agaasimaha Guud ee la dagaallanka Burcadbadeedda ee Dawladda Puntland, Mudane Abdirizak Mohamed Dirir (Ducaysane) ayaa caddeeyey in aanu jirin, habayaraatee, mas’uul ka socda dawladda FKMG ah oo weli soo booqday dhibbanayaashaas ku xiran Nairobi, Kenya iyo kuwa kale ee ku xiran daafaha dunida, marka laga reebo buu yiri “kuwa ku xiran Seychelles”.
Magacyada dhallinyarada ku xiran Nairobi iyo Beelaha ay ka soo jeedaan:
1. Mohamoud Mohamed Hoosh,
Qabiil: Majeerteen, Omar Mohamud, Reer Ali Mohamed
2. Mohamed Ali Dahir,
Qabiil: Majeerteen, Omar Mohamud, Reer Ali Mohamed
3. Abdiwahab Mohamed Hassan,
Qabiil: Majeerteen, Omar Mohamud, Reer Ali Mohamed
4. Mohamed Dool Ali,
Qabiil: Majeerteen, Omar Mohamud, Reer Ali Mohamed
5. Abdullahi Omar Mohamed,
Qabiil: Majeerteen, Omar Mohamud, Reer Mahad
6. Abdirizak Hassan Ali,
Qabiil: Majeerteen, Reer Biciidyahan
7. Abdirahman Mohamed Asayr,
Qabiil: Majeerteen, Ali Saleebaan, Biciidyahan
8. Mohamud Abdullahi Jama,
Majeerteen, Ugar Saleebaan
9. Khadar Mohamed Jamac,
Qabiil: Majeerteen, Abdiraxiim.
————————————————————————————————-
37-Dhalinyaro ah oo Burcad-badeednimo loo qabtay oo dalka Maldives lagu xiray
Waxaa xusid mudan, in Dawladda Maldives aanay lahayn sharciga Burcadbadeednimada (Piracy Law), sida darted, ay go’aansatay in dib loogu celiyo dalkoodi.
Safaaradda Somalida ee New Delhi, India, waxay caddeysey inay Somali yihiin, waxayna u goysay ama siisay warqddii safarka ku meel gaarka. Hay’adda UNODC, waxay isku dayday marar badan, laga soo bilaabo 2009, inay dib ugu soo celiso dalkoodii hooyo, iyadoo waqtigaas la qorsheeyey in laga soo dejiyo magaalada Gaalkaco ee Puntland.
Dawladda Puntland, waxay heshiis ay la gashay Maldives oo ku saabsan soo wareejinta dhallinyarada lagu tuhmay Burcad-badeednimada, waxayna heshiiska saxiixday bishii May 26, 2011, heshiiskaasna waxaa sahlayey oo dhexdhexaadinayey, hay’adda UNODC.
Ag. Guud, Abdirizak Ducaysane, waxuu warbaahinta u sheegay in safarkiisii u dambeeyey ee Nairobi Kenya, ka dib markuu dabagal ku sameeyey arrintaas dhallinta ku xiran Maldives ee uu kal xaajooday masuuliyiinta UNODC, oo horey arrinta u bilowday, masuuliyadna ay ka saarnayd, waayo kharash bay u hayaan arrimaha noocan oo kale (Dib u soo celinta), waxay u caddeeyeey inay horey isugu dayeen, wax mas’uuliyad ah oo hadda arrintaas ka saaranna aanay jirin.
“Waa gartood inay sidaa u hadlaan, waayo marna ma aanay arag mas’uul dawladeed oo heer TFG ah oo arrintaas, daqiiqadna ALLE ha ka dhigee, kala xaajooda”, ayuu yiri.
Agaasimuhu isagoo hadalkii sii wata waxa uu yiri ” Waxaan ku boorinayaa Waalidiinta iyo Ehelada dhallintan xabsiyada ku xiran, ee dayaca iyo darxumada magansadey, in ay Xildhibaanada iyo Wasiirada uga wakiilka ah Dawladda KMG ah, ay cadaadis ku saaraan DKMG ah inay u istaagto wax ka qabashada dhallinyaradan ku xiran xabsiyada.
Waa kuwan magacyadii iyo beelaha ay ka soo jeedaan dhallinyarada ku xiran Maldives oo ka kooban 7-kooxood
Kooxda 1aad oo ka kooban Todoba (7) waxaa la soo qabtay, December 1, 2009, waxayna kala yihiin:
1. Osman Mohamud Ali
Da’da: Dhashay 04 July 1968, tel: 622150
Hooyo: Mimina Jind
Aabbo: Mohamoud Ali Mohamoud
. Xaasle: Labo Xaas iyo Lix Carruur ah.
2. Abdu Uwais
Da’da: 32 sano, tel: 002525623537
Hooyo: Hawo Abdi (AHU – way dhimatay)
Aabbe: Uwais Mumin
Xaaskiisa: Sabiib Ali Alib, Afar Caruur
3. Osman Hassan Mohamoud
Da’da: 23 Sano, tel: 5807865, 5816165
Hooyo: Asha Mohamed
Aabbo: Hassan Mohamoud
Xaas ahaan: waa doob, weli ma guursan
4. Aboukarow Osman
Da’da: Dhashay 08 August 1968, tel: 5597481/5563842
Hooyo: Ijaa Mohamed Mohamoud
Aabbo: Dhaadhoo
Xaaskiisa: Halima Mohamed Abdi oo haysa Toddoba (7) Carruur ah.
5. Musa Mohamed Hassan
Da’da: 35 sano, tel: 5662907
Hooyo: Saynab Sheikh Ahmed (AHU – way dhimatay)
Aabbo: Mohamed Hassan (AHU – wuu dhintay )
Xaaskii way kala tageen, hal canug baa jira.
6. Abdulrahman Essa
Da’da: 19 sano, tel: 596685
Hooyo: Mumina Ibrahim
Aabbo: Essa Alasow
Waa Doob, weli ma guursan
7. Ahmed Sheikh Ali Bir
Da’da: 30 sano, tel: 5455122
Hooyo: Nuuro Hassan
Aabbe: Sheikh Ali
Waa Doob/ma guursan.
Kooxda 2aad oo ka kooban Shan (5) waxaa la soo qabtay, December 18, 2009, waxayna kala yihiin:
1. Mohamed Khalif Farah (Wadaha Doonta/CAPTAIN)
Da’da: 24 sano, Tel: 651704
Hooyo: Halima Osman Esse,
Aabbo: Khalif Farah
Xaaladda Guur: Doob/single.
2. Abdulqani Abdulle Sidoow
Da’da: 35 sano, Tel: 5501794
Hooyo: Madino Gubero
Aabbo: Abdulle Sidow
Xaaskiisa: Sahra Osman oo u haysa saddex (3) carruur
3. Osman Warsame
Da’da: 22 sano, tel: 863040
Hooyo: Madino Rooble
Aabbo: Warsame,
Xaaskiisa: Samira Dahir way is-freen, waxay u haysaa hal (1) ilmo/canug.
4. Abdulfatah Hassan Ali
Da’da: 29 sano, tel; 5911872
Hooyo: Hadsan Mohamed Wa’is
Aabbo: Hassan Ali
Xaaskiisa: Halima Hassan, saddex (3) carruur
5. Ahmed Uwais
Da’da; waxuu dhashay 15/10/1986, tel: 5886556
Hooyo: Halima Mohamed Ali
Aabbo: Mohamud Hassan
Xaaladdisa Guri: waa doob, weli ma guursan.
Kooxda 3aad oo ka kooban Todoba (7) waxaa la soo qabtay, May 16, 2010, waxayna kala yihiin:
1. Elmi Hassan Noor, Taliyaha Bucadaa
Da’da: 35 sano
Qabiilkiisa: Hawiye, Habargidir, Cayr, Absiye
Aabbe: Hassan NOOR
Hooyo: Ma sheegin Magaceeda
Ku dhashay: Marka, Somalia
Ku barbaaray ama deggenaa: Xamar Bile, Wardhiigley, Mogadishu, Somalia
Shaqadiisa: Kalluumaysi, wade Bus Muqdishu dhexdeeda, Somalia.
2. Ali Abdullahii Idle (IIDLE),
da’da: 18 sano
Qabiilkiisa: Hawiye, Habargidir, Cayr, Absiye
Hooyo: Fadumo Mohamed Ahmed
Ku dhashay: Dhusamareeb.
Deggenaa: Xarar Dheer
Shaqadiisa: Shaqo Laawe
3. Abdullahi Yusuf (Fooley)
Da’ada: 20 sano
Qabiilka: hawiye, Habargidir, Cayr, Ayaanle
Hooyo: Nuuro Abdulle Abdi.
Ku dhashay: Guriceel, Galgaduud
Deggenaa: Afgooye
Shaqadiisa: Xoogsade
4. Osman Hassan Mohamed,
Da’da: 25 sano
Qabiikiisa: Hawiye, Habargidir, Cayr, Ayaanle
Aabbe: Hassan Mohamed Dhoorre
Hooyo: Fadumo Ali Mohamed
Ku dhashay: Mugadishu, Somalia
Ku koray: xaafadda Huriwaa ee Muqdishu, Somalia.
Shaqadiisa: warshadda Kallunka ee ALFURQAAN (xoogsade) iyo Warshadda Canshuur.
5. Abdi adan Siyad
Da’da: 21 sano
Qabiilka: Hawiye, Habargidir, Cayr, Xasanley
Aabbe: Aadan Siyaad (wuu dhintay)
Hooyo: Hawo Yussuf Abtidoon
Ku dhashay: Mogadishu.
6. Abdullahi Hassan Ali (Hongor)
Da’ada: 25 sano
Qabiilka: Hawiye, Habargidir, Cayr, Ayaanle
Aabbe: Hassan Ali Mohamed
Hooyo: Abiyo (caabiyo) Dahir Osman
Ku dhashay: Dhuusamareeb, Galgaduud
7. Ahmed Abdulqadir Osman
Da’da: 22 sano
Qabiil: Hawiye, Habargidir, Cayr, Ayaanle
Hooyo: Muraayo Samantar Diiriye
Ku dhashay: Marka
Kooxda 4aad oo ka kooban Lix (6), waxaa la soo qabtay, May 31, 2010, waxayna kala yihiin:
1. Abdiwali Ahmed Khayre – Naakhuudihii Doonta
Da’da: 20 sano
Qabiilkiisa: Liisaan, kuna hadlay luqadda May-ga
Aabbe: Ahmed Khayre
Hooyo: Ma sheegin
Shaqadiisa: Kalluumaysi
2. Abdi Bashir Mohamoud
Da’da: 45 sano
Qabiil: Hawiye, Habargidir
Aabbe: Abdi Mohamoud Osbale
Hooyo: Fatumo
Shaqadiisa: Kalluumaysi
3. Abdi Osman Shurie (Shuuriye)
Da’da: 19 sano
Qabiil: Hawiye, Habargidir, Suleyman
Aabbe: Osman Shuuriye Abdulle
Hooyo: Ibado (cibaado)
Shaqadiisa: Kalluumaysi
4. Abshir Hassan Ali
Da’da: 19 sano
Qabiil: Hawiye, Habargidir, Sacad
Aabbe: Hassan Ali Gure
Hooyo: ma sheegin
Shaqadiisa: Kalluumaysi
5. Dahir Nor Mire
Da’da: 19 sano
Qabiil: Hawiye, Habargidir, Sacad
Aabbe: Nor Mire Elmi
Hooyo: ma sheegin
Shaqadiisa: shaqo ma leh
6. Uwais Mohamed Diirshe, loo yaqaan “Carab”
Da’da: 20 sano
Qabiil: Hawiye, Abgaal
Aabbe: Mohamed Diirshe Abdulle
Hooyo: ma sheegin
Shaqadiisa: kalluumaysi
Kooxda 5aad oo ka kooban Laba (2), waxaa la soo qabtay, July 2, 2010, waxayna kala yihiin:
1. Mohamoud Ibrahim Idiris,
Da’da: 25 sano, Xaaskiisa: Saynab, Carruur: hal gabar
Qabiil: Daarood, Leelkase
Aabbe: Ibrahim Idris
Hooyo: Xalima
Ku dhashay: Garowe
Shaqdadiisa: wade bas (bus)
2. Ahmed Ibrahim Idiris
Da’da: 23 sano, Xaaskiisa: Duniyo, Caruur: Shan (5) Carruur ah
Qabiil: Daarood, Leelkase
Aabbe: Ibrahim Idris
Hooyo: Xalima
Ku dhashay: Garowe
Shaqadiisa: Kalluumaysi
Kooxda 2aad oo ka kooban Todoba (7), waxaa la qabtay, November 28, 2010, waxayna kala yihiin:
1. Abdulrazaq sheikh Abdulkadir, wadihii Doonta
Da’da: 31 sano
Qabiil: Hawiye, Abgaal
Ku dhashay: meel ka baxsan Muqdishu
Deggenaa: degmada Kaaraan
2. Ahmed Mohamed Mohamoud
Da’da: 31 sano
Qabiil: Ajuuraan
Ku dhashay: Merka
ku noolaa ama deggenaa: Kismaayo
3. Abdullahi Yuusuf Mohamed,
Da’da: 32
Qabiil: Hawiye, Shiikhaal
Ku Dhashay: Mogadishu
Deggenaa ama ku noolaa: baadiyahay Mogadishu
4. Kudhan Muhumud Abdulahi
Da’da: 18 sano
Qabiil: Hawiye, Shiikhaal
Ku dhashay: Gaalkacyo
Deggenaa ama ku noolaa: miyiga Gaalkacyo
5. Shariif Mohamoud Ali
Da’da: 18 sano
Qabiil: Hawiye, Habargidir
Ku dhashay: Mirroan, Somalia
Deggenaa: Xero qaxooti oo ka baxsan Muqdishu.
6. Abdi Abdi sheikh
Da’da: 28 sano
Qabiil: Daarood, Majeerteen
Ku dhashay: meel ka baxsan Gaalkayo
Deggenaa: Gaalkacyo
7. Abdulla Mohamed Hassan
Da’da: 35 sano
Qabiil: Hawiye, Gaaljecel
Ku dhashay: Kismayo
Deggenaa: Kismayo.
Kooxda 7aad oo ka kooban Saddex (3), waxaa la soo qabtay November 30, 2010, waxyna kala yihiin:
1. Omar Mohamed Abdulle, oo loo yaqaan “Cumar Carab”
Da’da: 28 sano
Qabiil: Hawiye, Murursade.
Dhaawac baa kaga yaal qoorta, dhanka bidix (xabad si qalad ah uga soo baxday RPG), qalitaan baa lagu sameey markii uu Maldives soo garay. Waxuu kaloo qoorrta dhanka bidix ku leeyahay gubasho, sidoo kale Garabka bidix.
2. Abdulaziz Mohamed Hassan
Da’da: 20 sano
Qabiil: Daarood, Arab Salah
Ku dhashay: Luuq, kuna barbaaray: Baraawe
3. Mohamed Ahmed Ali
Da’da: 23 sano
Qabiil: Hawiye, Habargidir, Cayr
Ku dhashay: Caad, kuna barbaaray: Mogadishu, Somalia
Waxaa nasoo gaarsiiyey Xafiiska Agaasimaha La dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland