Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo Magacaabay ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada AMISOM
April 11, 2012 - Written byNairobi:-Madaxweynaha dalka Mwai Kibaki ayaa maanta waxaa uu mgacaabay ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada AMISOM waxaana uu u magacaabay Major General S. N. Karanya. Magacaabista sarkaalka u dhashay dalka Kenya ayaa ku soo aaday xili ay ciidamada Kenya ay sheegeen in ay ku biireen kuwa AMISOM.
Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in dowladiisa ay qeyb weyn ka qaadan doonto howlagalada ay wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM si meesha looga saaro ayuu yiri ciidamada Al-Shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda ciidamada AMISOM ee ka kala yimid wadamada Kenya ,Ugandha ,Burundi iyo Jabuuti.
Ciidamada Kenya ayaa haatan ku sugan qeybo ka mid ah gobalada Gedo iyo J/hoose ayaa soo galay gudaha dalka Soomaaliya bishii Oktobar ee sanadkii hore ee la soo dhaafay waxayna si rasmi ah u sheegeen in ay ku biireen ciidamada AMISOM bishan April 2012.
Ciidamada Kenya ayaa ku fashilmay in ay qabsadaan deegaano muhiim ah oo ay horey u sheegeen in qabsan doonaan waxaana ka mid ah deegaanadaas Degmada AFmadow iyo Degmada Baardheere waxaana weeraro joogto ah ku haya ciidamada al-Shabaab oo xalay oo u danbeysay ku weeraray inta u dhexeysa Badhaadhe iyo Kulbiyow.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net