Golaha Walaalaynta iyo Qabyaalad diidka oo baaq nabadeed u diray beelaha ku diriraya Gobolka Sool
October 23, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Waxaan ugu baaqaynaa isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta, culimada iyo dhammaan waxgaradka beelaha Qayaad iyo Bah-ararsame inay si wadajir ah ugu istaagaan joojinta dagaalada xasuuqa iyo dabargo’a ah ee labadaas beelood ka dhex socda. Waxaan xilkaska labada beelood xusuusinaynaa in waxa socdaa ay yihiin gablan, asay, agoon, naafo iyo halaag adduun.
Aakhirana ay tahay gaalnimada ka dib dambi la galo kan ugu weyn, Ilaahayna wuxuu ugu gooddiyey ciddii mu’min ula kac u disha inuu ku abaalmarinayo naarta Jahannama oo uu ku waarayo, inuu u carooday oo uu lacnaday, cadaab xanuun badana uu u diyaariyey.
Si gaara dadka u dhashay labada beelood ee dagaalka hurinaya waxaan ugu sheegaynaa inay ka shaqaynayaan wax carada Ilaahay iyo ciqaabtiisa usoo jiidaya, ehelkoodna baabi’inaya. Haddii ay dulmigaas dayn waayaana ay masiibadu haleeli doonto diintooda, naftooda, ubadkooda iyo maalkooda.
Waxaan ugu baaqaynaa xilkaska Soomaaliyeed meel ay joogaanba gaar ahaan beelaha dhalasho ahaan iyo deegaan ahaan ugu dhow dadka dagaalamaya inay si buuxda ugu kacaan xakamaynta iyo xallinta masiibada socota oo ay u huraan naf, maal iyo miskaxba.
Waxaan codsanaynaa in Ilaahay la soo baryo inuu dhibaatadaas inaga joojiyo, dadkeenana uu diintooda ku walaaleeyo, kalgacayl iyo kalsoonina dhexdhigo.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Golaha Walaalaynta iyo Qabyaalad Diidka
Eng.Maxamed Cali Cabdi (Badwi)