Raisulwasaaraha DFKM oo maanta kormeeray goobo la dajinayo odayaasha dhaqanka
April 30, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaana Ra’iisul Wasaaraha kormeerkiisa ku wehlinayay qaar ka tirsan golahiisa Wasiiradda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnihii kale ee la socday Waxay warbixin ka dhageysteen gudigii loo xilsaaray soo dhaweynta Odoyaasha Dhaqanka kuwaa oo soo xuli doono gudigii ansixin lahaa Dastuurka Cusub ee Qabyo-Qoraalka dalka.
Waxaa kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixino ka dhageystay gudi iyagana loo xilsaaray iney sugaan amaanka goobta oo ay ka mid yihiin Ciidamada NabadSugidda Qaranka,Kuwa AMISOM iyo hay’adaha kale ee dowladda kala shaqeeya Amaanka, Iyagoona Sheegay in goobta ay tahay mid amaankeeda uu aad u sareeyo laguna kalsoon yahay islamarkaana ay il-gooni ah ku eegi doonaan amaanka goobta ayna si wada jir ah isaga kaashanayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya. no images were found
Warbixinta kadib ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnihii la socday soo kormeereen goobtii loogu talagayay Odayasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed in la dajiyo, Isagoona Ra’iisul Wasaaruhu mid mid u galay qolalkii loogu talagalay Odayaasha Dhaqanka, kuwaa oo gaaray 135 Odey Dhaqameyd oo ka kala imaanaya gobalada dalka.
Odayaasha Dhaqanka ayaa la filayaa horaanta bishaan soo socota iney soo xulaan Ergadii ansixin laheyd Dastuurka Cusub ee Qaybo-Qoraalka dalka.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa u mahadceliyay gudigii isku xilsaaray soo dhaweynta Odayaasha Dhaqanka iyo waliba kuwa sugaya amaanka goobta loogu talagalay in la dajiyo Odayaasha Dhaqanka.
– DHAMAAD –
office of the PM