Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa maanta Golaha Wakiillada u soo gudbisay Xisaab-xidhka miisaanadii 2022.

July 3, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa qeybinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2022, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 137-aad.

Golaha waxaa warbixinta Xisaab xirka sannad maaliyadeedka 2022 ka horjeediyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in ku talagalka kharashka gudaha ee Miisaaniyadda sannadka 2022 uu ahaa $106,039,035 dollar, halka kharashka dhab ahaan la galay uu noqday $92,825,283.40 dollar taas oo ah inaan la bixin kharash ku talagalkiisu ahaa $13,213,751.60 dollar oo u dhiganta % 12.5

Intaa kadib, waxaa Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2022 lagu wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay dib Golaha ugu soo celin doonaa maalinta Isniinta oo taariikhdu ku beegan tahay 10 July, 2023.

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

—-DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Leave a comment

*

Archives
July 2023
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online