Dowlada Eriteriya oo iska fogeysay in ay taageero u fidiso Ururka Al-shabaab
July 9, 2012 - Written byAsmara:-Dowlada Eriteriya ayaa iska fogeysay in saraakiil ka tirsan dowladeeda ay taageero u fidiyeen Ururka Al-Shabaab waxaana ay eedeyntaas ku tilmaameen mid cadowtino ah .Dowlada Mareykanka ayaa xayiraad ku soo rogtay Saraakiil ka tirsan dowlada Eriteriya iyaga oo ku eedeeyey in ay taageero milateri siiyaan Ururka Al-Shabaab.
Warmurtiyeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee dalka Eriteriya ayaa iska fogeeyey in ay si gaar ah u taageeraan kooxaha ka jira Soomaaliya gaar ahaan Ururka al-Shabaab waxayna ku tilmaameen eedeynta Mareykanka uu u soo jeediyey 6sarkaal oo ka tirsan dowlada Eriteriya mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.
Dowlada Mareykanka ayaa faragalin toos ah ku haysa arimaha Soomaaliya iyaga oo dhaqaalo badan ku bixiya ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya(AMISOM) waxaana uu dhowr mar weeraro iyo Duqeymo uu ka geystay gudaha dalka Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net