Ciidamada Itoobiya oo nin rayid ah ku dilay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan
July 11, 2012 - Written byHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay ku dileen magaalada nin rayid ah oo ka ganacsan jiray gaari gacan waxaana aad uga xumaaday dadweynaha ku dhaqan magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Sarkaal ka mid ah maamulka gobalka Hiiraan oo lagu magacaabo Abuukar Ibraahim Dhakad oo ayaa ka hadlay dilka ninka rayidka ah wuxuuna ku tilmaamay wax laga xumaado isaga oo ku tilmaamay fal kadis ah wuxuuna sheegay in uu cambaareynayo.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan qaar ka mid ah gobalada dalka ayaa ku sugan xaalad qalqal ah iyaga oo dhowr mar weeraro gaadmo ah oo lagu fuliyey uu soo gaaray khasaaro kala duwan waxayna shaki ka qabaan cid kasta iyaga oo marmarka qaarkiis dila dad rayid ah oon waxba galabsan.
A/Cawale
Halgan.net