Afhayeenka ciidanka AMISOM Col.Cali Aadan Xaamud oo shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho
July 12, 2012 - Written byMuqdisho:-Afhayeenka ciidanka AMISOM, Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii ay guud ahaan gobolka Sh/hoose ula wareegi lahaayeen, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in howlgalladooda Militeri ay sii socon doonaan. Afhayeenka cusub ee ciidanka AMISOM, Cali Aadan Xaamud, ayaa ku faanay in ciidankooda ay degmada Afgooye ay ka shisheeyaan masaafo 60 KM ah, wuxuuna ku adkeystay inay horey u sii socon doonaan.
Dhanka kale, saraakiisha dowladda DFKM ah, ayaa sheegaya inay ku sii jiidaan magaalada xarunta u ah gobolka Sh/hoose, ee Marka, iyadoona ciidanka xulufada ah ay shalay deegaano horleh kala wareegeen dagaalyahannada xarakada Al-Shabaab.
Dhawaan ayey aheyd markii ciidanka AMISOM, loo magacaabay afhayeen Cali Aadan, oo ah nin Jabuutiyaan ah, iyadoona taasi ay AMISOM u sahleyso inay fariintooda ku gudbiyaan luuqadda Soomaaliga.
Halgan.net