Wasiirkii G/dhiga iyo Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Suuriya oo la dilay
July 18, 2012 - Written bySuuriya:-Waxaa qarax lagu dilay goordhow wasiirkii Gaashaandhiga ee dowlada Suuriya sida ay xaqiijiyeen Tv-ga ku hadla afka dowlada Bashaar Asad ee Calawiga ah ,Kooxaha kacdoonka kaga soo horjeeda Dowlada Suuriya ayaa la tuhunsan yahay in ay ka danbeeyaan Qaraxa lagu khaarajiyey wasiirka Difaaca ee dowlada Suuriya Daa’uud Rajxah
Waxaa kale oo warar hordhac ah oo laga sii daayey Tv Aljazeera ay sheegayaan in saraakiil badan ay ku dhinteen waxaana ka mid ah wasiirka arimaha gudaha Asif Showkat oo ahaa gacanta midig ee Madaxweyne Bashaar Asad.
Weerarka qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta Amniga oo ku taal xaafada Al-rowda oo ku taal bartamaha magaalada Dimishiq waxaana xaruntaas madax ka ah Jen Haashi Bakhtaar oo uu soo gaaray dhaawac Culus .
Wakaaladaha warar ee Caalamka ayaa sheegay in laba kooxood ay sheegteen in ay qaraxa ka danbeeyaan kooxada koowaad ciidanka xorta ee suuriya oo uu u hadlay Qaasim Sacad waxaa kale oo qaraxa sheegtay kooxda Liwaa Islaam oo bayaan ku faafisay barta face book.
A/Cawale
Halgan.net