Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame oo shirjaraa,id ku qabtay Garoowe
July 26, 2012 - Written byGaroowe:-Wasiirka Caafimaadka Dowalad Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame ayaa maanta waxaa uu saxaafada u sheegay in ay dowlada Puntland ay shaqadii ka joojisay dalkana ay ka ceyriyaan sadex qof oo ajaanib ah kuwaas oo ku shaqeynayey magac dhaqaatiir waxay u dhasheen dalka Keenya.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame ayaa waxaa uu cadeeyey in raga maanta la ceyriyey aysan heysan ruqsada wasaarada caafimaadka aysana ahayn dhakhaatiir sidaas darteedna dalka laga musaafirin doono ;Wasiirka caafimaadka ee Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameeyeen 3 qof inta aysan go,aan ka qaadan wasaaradiisa.
Wasiirka Caafimaadka dawladaPuntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame ayaa ugu baaqay in dhaqaatiirta ajaanibta ah ee ka howlgasha Puntland ay iska soo diiwaan galiyaan wasaarada caafimaadka si loo siiyo ruqsad waxay wasaarada ka joojisay dhaqada Dhaqaatiirta ajaaninta ee ka howlgasha isbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay .
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in 7 maalmood ay isa soo diiwaan galiyaan dhaqaatiirta ajaanibta ah ee ka howlgasha isbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay cidii u hogaansami weydana talaabo cad ay ka qaadi doonaan laamaha amaanka ee Puntland
M_M Deeq
Halgan.net