Shirkadda Golis oo deeq Timir ah bixisey.[Daawo masawirada]
July 30, 2012 - Written byQardho:-Shirkadda Golis oo Deeq Timir ah bixisey Shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa qeybisay deeq timir ah oo gaareysa 304gk.,deeqdaas ayaa la siiyey dariiiqada “Adin soone” ee saldhigeedu yahay Magaalada Qardho ee gobolka Karkaar. Maamulaha shirkadda Golis Qardho Sheekh Axmed Cawaale Gaare ayaa deeqdaas gudoonsiiyey gudi ka socday dariiqada Adin soone.
Sh Axmed Cawaale mar uu ka hadley deeqda timirta ah oo ay shirkadu bixisay ayuu yiri “Bisha Ramadaan ee barakaysan shirkadu waxay go’aan satey in ay ka qeyb qaadato afur-siinta cid kastoo ay shirkaddu u garato in uu mudanyahay”. Sheekh axmed Cawaale ayaa sidoo kale sheegay in dariiqada “Adin soone” ay ka mid yihiin macaamiisha shirkadda ee isticmaala adeegyadeeda loona baahanyahay in wixii wax tar ah ee ay u baahan yihiin la siiyo.
no images were found
Dhinaca kale, Sh.Axmed Cabdulaahi Cabdi oo ka socdey dariiqada “ Adin soone” ayaa muujiyey farxadda ay ku faraxsanyihiin in shirkadda Golis ay siisey Timir ay ku afuraan bisha Ramadaan ee barakeysan. Deeq timirta ah waxay ka mid tahay waxtarka shirkadda Golis ay u sameeyso bulshada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaanka Kariimka ah.
Shirkadda Golis
Qardho, Somalia