Amaanka Muqdisho oo la adkeeyey iyo doorashada oo bilaabaneysa saaka
September 10, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in aad loo adkeeyey amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde iyo xarunta xarunta iskuul bolisiya waxaana la geeyey ciidamo dheeri ah oo ka socda AMISOM.
Loolanka Musharaxuiinta madaxtinimada DFS ayaa waxay mareysaa meel xasaasi ah waxaana socda xulufeysi adeg iyada oo la isku xulifeysanayo qaab qabiil iyo mid dan gaar ah.
Warar lagu kalsoonyahay oo ay halgan.net ka heshay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah musharaxiinta ay xalay la kulmeen Madaxweynaha DFS iyo Raisulwasaare Cabdi weli Maxamed Gaas lamana yaqaan ilaa haatan wixii ka soo baxay.
Sidoo kale waxaa heshiis hoose uu dhexmaray qaar ka mid ah musharaxiinta u taagay qabashada madaxtinimada DFS waxayna xalay 21 ka mid ah musharaxiinta ay kulan gaar ah ku qaatay magaalada Muqdisho.
Doorashada madaxweynenimada DFS ayaa furmi doonta dhawaan waxaana diyaarsan cida ay u dhiibi lahay beesha caalamka taas oo aysan ka warqabin shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmana Jawaari ayaa xalay warbaahinta u sheegay in doorashada ay u dhici doonto si cadaalad ah.
A/Cawale
Halgan.net