Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo ku horeeyey codadkii ilaa haatan lagu dhawaaqay
September 10, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ilaa haatan xildhibaanadii codkooda bixiyey uu ku horeeyo musharaxa Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaafay ilaa haatan uu helay 136 cod halka Sheekh Shariif Sheekh Ahmed uu aad uga danbeeyo.
Xildhibaanada ilaa haatan la sheegay in ay ku sugan yihiin madasha ay doorashada ka dhaceyso ayaa waxaa ay gaarayaa ilaa 271 xildhibaan .
Gudiga Doorashada ee DFS ayaa ku dhawaaqi doona dhawaan tirada kama danbeysta ah ee sida ay u kala heleen codadka Dr.Xasan Maxamuud Sheekh iyo Madaxweynaha DFS Shariif Sheekh Ahmed.
A/Cawale
Halgan.net