Madaxweynaha JFS oo shirjaraa,id ku qabtay xalay xarunta Villa Soomaaliya(Dhageyso)
September 13, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweyweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay shirjaraa,id ku qabtay xarunta Villa Soomaaliya waxaana uu ka hadlay qarax ismiidaamin ah oo shalay lagu weeraray Hotel Al-Jazeera oo uu deganaa Madaxweynaha DFS.
Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen askartii ka tirsaneyd DFS ee ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay Muqdisho wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in weerarka shalay uusan ka leexin doonin dowladnimada iyo howsha uu u balan qaaday umada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ugu horeyn waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uga tacsiyadeeyo wiilashii ayagoo waajibaadkooda gudanaya ku nafwaayey falkii fuleynimo ee ay soo qaadeen kooxda Al-Shabaab ,shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay meel walba oo ay joogaan waxaas maanta dhacay iyo wax walba oo ka weyn oo dhaca marnaba naga leexin maayaan ujeedadeena ”
Madaxweynaha DFS ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kalsooni ku qabaan ciidamada dowlada federaalka ee Soomaaliya iyo dowladooda isaga sheegay in aan marna dib looga noqoneyn dowladnimada iyo wanaaga .
Hoos ka Dhageyso Shirkii Jaraa,id uu xalay ku qabtay Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud
[audio:https://halgan.net/Mp3/Dr.Xasan.mp3]