Booliska magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo sheegay in ay qabteen Hub(Video )
September 14, 2012 - Written byNairobi:-Booliska magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in ay howlgalo ay ka sameeyeen xaafada Soomaalidu ay daggan tahay ee Eastleigh ay qabteen hub, rasaas iyo suumanka la isku qarxiyo iyo laba qof oo Soomaali ah kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay qorsheynayeen weeraro lagu qaado magaalda Nairobi.
Taliye ku xigeenka Booliska magaalada Nairobi Moses Ombati ayaa sheegay in ay gacanta ay ku dhigeen maanta 6 jaakadaha oo loo isticmaalo isqarxinta , 4 qoryaha AK47.Dhowr Bambooyin oo nooca Fm1 ah .
Taliye ku xigeen Booliska magaalada Nairobi ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in laba nin oo Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen ka dib markii guri ku yaal xaafada Eastleigh ay ka heleen hub iyo Jaakado loo isticmaalo qaraxyada ka dib markii ay heleen xog muhiim ah.
Ururka al-Shabaab ayaa dowlada Kenya waxay ku eedeysay dhowr mar qaraxyo ka dhacay gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalooyinka Garisa ,Nairobi iyo Mombaza.Ilaa haatan ma jiraan cid ka madax banaan Booliska Kenya oo xaqiijiyey warka ay saxaafada u soo bandhigeen galabta .
Feysal Cali Ahmed
Halgan.net