Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo ka degay Magaalada Muqdisho.[Dhagayso]
September 24, 2012 - Written byMuqdisho:-Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si heer saro ah loogu soo dhaweeyay Siyaasiga Cali Cabdi Awaare, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay dadweyne aad u farabadan iyo mas’uuliyiin kale. Cali Cabdi Awaare ayaa ka soo noqday wasiir Maamul kaPuntland, wuxuuna ka mid ahaa dadkii aas-aasay Maamulkaas.
Siyaasi Cali Cabdi Awaarea ayaa ah Siyaasi inta badan ku noolaa dalka lana qaybsaday shacabka dhibaatooyinka kala duwanaa oo soo wajahay, Sidoo kale wuxuu aad u soo dhaweeyay in Soomaaliya ay maanta ka baxday KMG islamarkaana si xalaal ah loo doortay Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud.
Soo dhaweynta ka dib ayuu warbaahinta u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta uu ka soo dego Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. “Waan ku faraxsanahay inaan imaado Muqdisho,waxaana ka imid dalka Jabuuti waxaana u imid inaan Shacabka Soomaaliyeed kale qeyb qaado isbedelka Siyaasadeed ee dalka”. Hadal heynta dadka reer Muqdisho ayaa ahaa maalmihii ugu dambeeyay in Cali Cabdi Awaare loo magacaabi doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxayna bulshada ku dhaqan Muqdisho isku raacday inuu yahay shaqsi u qalma in loo magacaabo Ra’iisul Wasaare.
Ugu dambeyntii Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in maanta dalka Soomaaliya looga baahan yahay isbedel Siyaasadeed ee hormarinaya dalka iyo dadka, Wuxuuna intaasi ku daray inuu yahay shaqsi si fiican u yaqaana dhulka Soomaaliyeed iyo Bulshaweynta ku nool wuxuuna sidoo kale xusay in wax badan uu ka bedeli doonto Xaaladda hadda ee ku jirto Soomaaliya, ha ahaato dhinaca Amniga, Dhaqaalaha, Maamul wanaaggai yo xiriirka Caalamka.
Hoos ka Dhageyso Hadalka Siyaasi Cabdi Awaare
[audio:https://halgan.net/Mp3/CaliCabdi Awaare.mp3]
xogtasheeg, xogtasheeg@gmail.com
—-Dhamaad—-