Safiirka Denmark u qaabilsan Somalia Mr. Geert Aagaard Andersen oo gaaray Garowe
September 24, 2012 - Written byGaroowe:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland safiirka Denmark u qaabilsan Somalia Mr. Geert Aagaard Andersen waxaana garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan Puntland
Safiirka Denmark u qaabilsan Somalia Mr. Geert Aagaard Andersen ayaa waxay kulan ku wada qaateen xarunta Madaxtooyada ee Puntland Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamud Faroole waxaana kulanka sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac ,wasiirka Qorshaynta Dr.Daa’ud Maxamed Cumar iyo taliye xigeenka booliska dowlada Puntland Col.Muxdiin Axmed Muuse iyo masuuliin kale.
Safiirka Denmark u qaabilsan Somalia Mr. Geert Aagaard Andersen ayaa kormeer ku tagi doona xarumaha dowlada Puntland iyo hay,daha ka tirsan Denmark ee mashaariicda ka fuliyey deegaanada Puntland ;safiirka Denmark u qaabilsan Somalia Mr. Geert Aagaard Andersen ayaa joogi doona mudo 3 maalmood ah caasimada Puntland ee Garoow.
M_M Deeq
Halgan.net